Saturday, January 25, 2025

Farriin Culus iyo Jawaab ka timid Wasiirkii Maaliyadda ee xilka laga qaaday

Wasiirkii Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ee xilka laga qaaday Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa markii ugu horeysay ka fal celiyay xil ka qaadista uu xalay ku smeeyay Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Qoraal uu Wasiirku soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu si weyn faraxsan yahay, sharafna u ahayd inuu soo noqday Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, wuxuuna xusay in Somaliya ay ku jirta jidkii Deyn Cafinta marka uu xafiiska ka tegayo.

Hoos ka Akhriso Farriinta Wasiir Cilmi

Ad

Waxa ay ii ahayd Sharaf iyo mudnaan gaar ah in aan noqdo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Waxa aan ku faraxsanahay in aan hormuud u ahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda si aan u gaarno gunaanadka deyn cafinta Soomaaliya, tanina si wanaagsan ayay u socotaa.

Waxa aan ka tagayaa xafiiska anigoo bixiyay dhammaan mushaarkii shaqaalaha Dowladda intii aan xilka hayay, sidoo kalena waxa aan casriyeeyey hannaanka furdooyinka, xoojiyay Maamulka Guud ee Maaliyadda Dowladda, iyo maamul wanaagga.

Waxa aan isku dayay in aan siyaasadda ka ilaaliyo barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda. Waxa aan isku dayay in aan ilaaliyo nidaamka hey’adeed ee Wasaaradda Maaliyada si ay hufnaan uga soo baxdo waajibaadka loo igmaday, si aan si wax ku ool ah ugu adeegno dadkeena.

Waxa aan rajeynayaa in dib-u-habaynta dhaqaaluhu ay ku sii jiri karto wadadii saxda ahayd in kasta oo culeysyo siyaasadeed oo badani uu saaran yahay Wasaaradda Maaliyadda.

Waxa aan Wasiir Biixi Iimaan Cige u rajaynayaa in uu xilka cusub ee loo igmaday Alle u fududeeyo. Waxaan sii wadi doonaa in aan ka midho dhaliyo himilooyinka horumarineed ee Qarankeena intii awooddeyda ah.

- Advertisement -

Wasiir Climi oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaank Federaalka ayaa guul u rajeeyay wasiirka cusub Biixi Imaan Cige oo laga soo wareejiyay Wasaaradda Shaqada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON