Saturday, April 19, 2025

Farmaajo, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Qoraallo isku mida kasoo saaray Doorashadii Cali Guudlaawe (Akhriso)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si isku mida usoo dhoweeyay doorashadii maamulka Hirshabeelle ee maanta lagu doortay Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Yuusuf Axmed Hagar, isagoo war uu soo saaray ku yiri: “Waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Mudane Yuusuf Axmed Hagar xilalka loo doortay maanta, anigoo ka rajeynaya in ay u horseedan bulshada deegaannada Hiirshabeelle xasillooni, amni, midnimo,caddaalad iyo horumar loo dhanyahay”

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna qoraal uu soo saaray ku yiri: “Hambalyo madaxweynaha la doortay ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Madaxweyne ku xigeenka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed). Waxaan bogaadinayaa dadaalka ay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadu ku bixiyeen dhismaha maamulka.”

Ad

Dhinaca kale qoraal uu soo diray Madaxweynihii hore Sharif Sheekh Axmed ayaa u qornaa sidatan: “Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Hirshabelle Cali Cabdullahi Guudlaawe & Ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Dabageed. Allaha u saqiro xilalka culus ee loo igmaday, waxaana sidoo kale ugu baaqayaa qaybaha kala duwan ee bulshada in gacan lagu siiyo dhismaha maamulka”

Madaxda soo dhoweysay doorashada maamulka cusub ee Hirshabeelle waxa ka mida Madaxweynaha K/Galbeed iyo Madaxtooyada Puntland iyo madax kale.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON