Wednesday, February 19, 2025

Farmaajo oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Jaamacadda Umadda, mid cusub-na magacaabay (Akhriso)

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uu Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda u magacaabay Dr. Xasan Cumar Mahadalle.

Waxaa xilkii laga qaaday guddoomiyihii dib u howlgeliyihii Jaamacadda Umadda Prof. Maxamed Axmed Jimcaale, waxayna arrintan qeyb ka tahay magacaabis iyo xilal ka qaadis xowli ku soocta oo Farmaajo ku dhaqaaqay markii aqalka hoose ee Baarlamaanka uu muddo kordhin u sameeyay hay’adhaa dowladda.

Ad

Farmaajo ayaa sheegay inuu rajeeyay Dr. Mahadalle inuu xilkan culus u guto si xilkasnimo leh, kaalin mug lehna uu ka gaysto tayeynta tacliinta sare ee dalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON