Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xilli danbe gaaray magaalada Kinshasa eedalka Koongo, kadib booqasho degdeg ahayd oo uu uga dhoofay Muqdisho.
safarkiisa ayaa Madaxtooyadu ku sheegay inuu yahay mid shaqo oo qaadanaya labo maalmood, kuna saabsa kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo xagjirnimada.
Xogta laga helay safarkan ayaa sheegeysa in ujeedkiisu yahay dadaal uu Farmaajo ugu jiro inuu aqoonsi ugu helo dalalka Afrika labada sano ee uu ku darsaday muddo xileedkiisii dhammaaday 8-dii Febraayo 2021, kadib markii ay ka hor yimaadeen dalalka reer Galbeedka ee Midowga Yurub iyo Mareykanka.
Warar kale ayaa sheegaya in safarkan la xiriiro dadaal loogu jiro xalinta khilaafka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya oo madaxweynaha Congo Felix Tshisekedi uu dhexdhexaadin ka wado.
Soomaaliya ayaan xiriir weyn la lahayn daka Congo marka laga reebo inuu madaxweynaha dalkaasi Felix Tshisekedi u hadda hayo xilka wareega ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika.
Farmaajo ayaa wajaha culeys xoog leh oo ku saabsan inuu ka laabto muddo kororsiga uu sameystay oo loo arko sharci darro iyo inuu xasilooni darro ka dhalinayo Soomaaliya, wuxuuna dadaal ugu jiraa inuu helo dowlado ku taageera.
Waxaa lagu wadaa inuu tago dalal kale oo Afrikaan ah, ayna ka mid tahay Itoobiya, waana safarkii ugu horeeyay intii uu muddo kororsiga sameystay iyo muddo afar bilood ah kadib aakhirii Bishii Disember 2020 oo dalka Jabuuti uga qeyb galay shir madaxeedkii IGAD.
