Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa war cusub oo aan la fileyn uga dhawaaqay magaalada Kinshasa ee dalka Congo DR oo ku yaalla bartamaha Afrika.
Sida ay shaacisay Madaxtooyada dalka Koongada Dimoqraadiga, kadib kulan dhex maray Maanta Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo Madaxweynaha Congo Félix-Antoine Tshisekedi Tshilombo ayuu Farmaajo codsaday in Midowga Afrika uu fududeeyo kor-joogtana ka noqdo wadahadal la isugu keeno dhinacyada Soomaalida.
“Intii lagu guda jiray kulankii fool-ka-foolka ahaa oo qaatay 2 saacadood, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu codsaday inuu Madaxweyne Tshisekedi doorkiisa madaxa Mdowga Afrika qeyb ka noqdo fududeynta wada-xaajoodka dhinacyada oo dhan ee ku lugta leh dhibaatadan Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Congo oo soo dhoweeyay arrintan iyo dalabka uga yimid Farmaajo ee ah inuu la xiriiro dhammaan xoogagga Soomaaliyeed si loo helo nabad iyo cadaalad waarta.
Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa soo saartay war ay ku sheegtay in iyadoo laga duullayo qabashada doorashooyin nabdoon, loo wada dhan yahay, kuna dhaca waqtigooda ay dowladdaSoomaaliya soo dhaweyneyso kaalin Midowga Afrika ka qaato fududeynta hannaan Soomaalidu horseed u tahay oo keena inay dhammaan daneeyayaasha Soomaalida wadahadal isugu yimaadaan” .
Warka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaan lagu caddeyn inuu Maxamed Farmaajo ka noqday muddo kordhintii iyo inkale, waxaana ilo kala duwan ay sheegayaan inuu qorshaha Farmaajo yahay jaha wareer cusub oo xalada dalka la geliyo si uu waqtiga ugu sii dheeraado.
