Tuesday, October 3, 2023

Farmaajo oo War kasoo saaray Dagaalka Alshabaab iyo Askartii Naftooda..

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa war qoraa lah kasoo saaray xaaladda dagaalka Alshabaab, gaar ahaan dhibaatooyinka soo garay ciidamada dowladda.

“Dagaalka Ciidamadda Qalabka sida iyagoo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan kooxaha argagixisada dhiig-miiratada ah ee Alshabaab, waa waajib qaran oo ay tahay in aynu ka wada qeyb-qaadanno dhamaanteen maadama uu taabanayo qarannimadeenna iyo jiritaankeenna ummadeed” ayuu qoralkiisa ku yiri Farmaajo oo markii ugu horeysay go’aan ka qaatay xaaladda taagan.

Wuxuu sheegay in howl-galadda dalka looga xoreynayo argagixisada inoo diiddan nolasha, amniga inay ahaayeen qorshe qaran oo soo socday dhowr iyo tobonkii sano ee u danbaysay. “Waxaa waajib ah in la garab istaago ciidanka xoogga, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada”.

Ad

Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Waxaan ugu baaqayaa muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu garab istaago halganka xoreynta dalka kana qeybqaato dhiiri-galinta iyo kor u qaadista moraalka geesiyaasha qaranka, maadaama isku duubnida ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay fure u tahay guulaha dagaalka lagula jiro argagixisada”.”.

Wuxuu tacsi u diray ciidamada geriyooday. “Alle ha u naxariisto halyeeyada naftooda u horey in dalkeenna ay ka xoreeyaan argagixisada, halyeeyada kale ee dhaawacyadu ka soo gaareenna waxaan Allaah uga baryayaa caafimaad iyo kabasho degdeg ah”.”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,982FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!