Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u dhoofay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Safarka Farmaajo ee dalka Qatar ayaa waxaa xalay shaaciyey oo Soomaalida ka ogaadeen Wakaaladda Wararka dalka Qatar, waxaana Duhurnimada maanta ay madaxtooyada Soomaaliya sheegtay inuu Farmaajo la kulmi doonoa Amiirka Dowladda Qatar Tamim bin Hamad Al-Thani.
Xilligan safarkan kusoo beegmay iyo inay maalin ka hor shaacisao dowladda Qatar ayaa dood badan ka dhaliyey baraha bulshada, waxaana dowladda Qatar ay si shaqsi ah u taageereysay Farmaajo, iyadoo kharash ku bixisay Doorashadii uu ku soo baxay madaxweynaha Soomalaiya sanadkii 2017.
