Farmaajo oo Qoraal dheer soo saaray ayaa sheegay inaan loo dhammeyn go’aanka lagu eryay Francisco Madeira
Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay saqdii dhexe kadib soo saaray qoraal uu ku difaacayo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira oo uu dalka ka eryay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira iyo danjireyaasha kale uu warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomo Madaxweynaha Jamhuuriyadda, isaguna uu tallaabo ka qaadi karo.
“Ma jiro ogolaansho uu bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tallaabo looga qaadayo Danjire Madeira, mana jirto warbixin ay soo gudbisay Wasaaradda Arimaha Dibadda oo tilmaamaysa inuu ku kacay ficillo ka hor imaanaya madaxbannaanida dalka. Sidaas darteed, Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu farayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay gudato waajibaadkeeda shaqo, ayna gaarsiiso Midowga Afrika in go’aanka la sheegay uu yahay mid aysan u dhammayn Dowladda Federaalka, kana soo baxay xafiis aanan lahayn awood uu kaligiis ku gaaro go’aan culeyskaas leh” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Qoraalka Farmaajo oo dheeraa wuxuu salka ku hayey qiil si weyn loogu difaacayo Danjiraha Midowga Afrika oo cod laga duubay u muuqday nin ku dhex milmay xaaladda Soomaaliya, markii uu muddo dheer joogay, lana saftay kooxda Farmaajo.
“Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ka digayaa tallaabooyinka aan ka fiirsiga lahayn ee carqaladayn kara amniga doorashooyinka iyo habsami u socodka hannaanka lagu dhammeystirayo, lagana fogaado wax kasta oo dib u dhac ku keeni kara, waana xilliga aan ugu baahi badannahay inaan ilaashanno xasilloonida, iskaashiga iyo wadashaqeynta dhexdeenna ah iyo tan aan la leennahay saaxiibada caalamka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Farmaajo.
Farmaajo wuxuu ku booriyey Madasha Wadatashiga Qaran inay diiradda saarto sidii loo soo gabagabeyn lahaa doorashooyinka, si wadar-ogol ahna lagu dhammeeyo arrimaha taagan ee xalka u baahan si dalku uu hore ugu sii socdo.
Arrintan ayaa timid saacado kooban kadib markii qoraal kasoo baxay Ra’iisal wasaare Rooble loogu aqoonsaday wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ‘Qof aan laga rabin dalka’ laguna amray inuu 48 saacadood uga baxo dalka.