Saturday, April 26, 2025

Farmaajo oo Shir degdega Muqdisho isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada (Faahfaahin cusub)

Madaxweynaha Soomaaliya ee muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir degdega isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Qoraal caawa kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheega in iyadoo mudnaanta la siinayo dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar iyo sii ambaqaadidda talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo uu soo saaray go’aanadan:

1- Madaxweynuhu waxa uu shir iskugu yeerayaa Madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.

Ad

2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 18-19 bishan Febraayo 2021.

4- Shirkan wadatashiga ah waxaa saldhig u ah talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON