Saturday, May 17, 2025

Farmaajo oo kulan degdeg ugu yeeray Guddoonka Golaha Shacabka iyo Shir ka bilowday Villa Somalia..

Wararka laga helayo xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo uu kulan gaara ugu yeeray guddoonka Golaha Shacabka.

Kulanka oo hadda ka socda Xarunta madaxtooyada ayaa u dhaxeeya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Maxamed Mursal Sheekh, C/weli Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdala Cawad, waxaana la sheegay in looga hadlayo xaaladda dalka iyo qorshe uu wato madaxweyne Farmaajo.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Berri uu dhacayo kulan uu Baarlamaanka ku hortegayo Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya Maxamed Xuseen Roobe, kaasoo la sheegay inuu ku qarsoon yahay qorshe la doonayo muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda iyo Madaxweynaha iyo Doorasho nooc cusub ah.

Ad

Dhinaca kale waxaa shir xasaasi ah Muqdisho uga socdaa xildhibaananada Golaha Shacabka ee ka horjeeda muddo kororsiga Farmaajo iyo xukuumadda Rooble.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis ku saareysa madaxda dowladda Federaalka ee waqtigoodu dhammaaday inaysan ku dhaqaaqin wax muddo kororsi ah oo ay sii wadaan wadahadalka heshiiska Doorashada.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA…

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON