Madaxweynaha Soomaaliya ee muddo xileedkiisu dhammaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka ka dhoofay magaalada Muqdisho, isagoo kusii jeeda dalka Uganda.
Farmaajo ayaa la sheegay inuu Magaalada Kambaala ee Caasimadda Uganda uga qayb gelayo xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni oo markii 6-aad dib loo doortay bishii Janaayo 2021.
Waxaa lagu wadaa inuu dalka Uganda kula kulmo madaxda dalkaasi, iyadoo ay arrintan kusoo beegmeyso iyadoo xiisad diblomaasiyadeed oo weyn ka taagan tahay dalalka Kenya iyo Somalia.
Wafdiga Farmaajo waxaa ka mida: Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Marwada Koowaad Seynab Cabdi Macallim, Lataliyeyaashiisaa iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.