Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa war kasoo saaray Qorsahaha wax ka bedelka Dastuurka iyo Qaabka Doorashada dalka ee uu wado Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, kaasoo salka ku haya Heshiiskii Golaha Wadatashiga.
Qoraal uu soo saaray ayuu Farmaajo ku sheegay inay tahay Mas’uuliyad ka baxsan Hay’adahad owladad in laga guuro hannaanka Baarlamaaniga ah ee ka jira dalkeenna, isla markaana la laalo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, maadaama ay taabanayso masiirka dalka.
Farmaajo ayaa Baarlamaanka Federalkauga digay ansixinta qodobbada taabanaya jiritaanka dowladnimada ee aan loo marin hannaanka saxda ah, isagoo sheegay inay abuuri karaan kalsooni darro bulsho iyo jahwareer siyaasadeed.
Waxaa la ogyahay inuu Maxamed Farmaajo Baarlamaankii tobnaad geeyay Sharci Doorasho oo ku dhisan in meesha laga saaro Nidaamka Baarlamaaniga ah ee dalka, si toos ahna loo doorto Madaxweynaha, kaasoo ay diideen, kadibna bedeleen.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA FARMAAJO
“Waxaan si dhow ula soconnaa dhaqdhaqaaqyada ku aaddan wax ka beddelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan. Wax ka bedelka qodobadaas oo aan loo marin wadada saxda ah waxay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan.
Sidaas darteed in laga guuro hannaanka Baarlamaaniga ah ee ka jira dalkeenna, lana laalo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waa masuuliyad ka baxsan awoodaha Hay’adaha Dawladda, maadaama ay taabanayso masiirka dalka.
Baarlamaanka Federalka Soomaaliya waxaa waajib qaran iyo mid taariikhi ah ka saaran yahay in ay ka digtoonaadaan ansixinta qodobbada taabanaya jiritaanka dowladnimada ee aan loo marin hannaanka saxda ah, kuwaas oo abuuri kara kalsooni darro bulsho iyo jahawareer siyaasadeed.
Waxaan garowsannahay ahmiyadda ay leedahay in la maqlo codka Dowlad Goboleedka Puntland oo ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran si loo xaqiijiyo matalaaddooda ku aaddan arimaha masiiriga ah, taas oo aan looga maarmayn dawlad dhiska Soomaaliya.
Shacabka Soomaaliyeed xaq ayey u leeyihiin in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, si xor iyo xalaal ah oo daahfuran, waafaqsanna xeerarka iyo shuruucda dalka.
Wa billaahi Al-towfiiq”