Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray uga digay Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya inay Dal shisheeye ay ku wareejiyaan maamulka hawada Soomaaliyeed.
Farmajao ayaa qoraalkiisa ku sheega inay arrintaasi tahay ah tallaabo dhaawacaysa qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliyeed. “Gacan ku haynta maamulka hawadu waa arrin taabanaya amniga Qaranka iyo madaxbannaanida dalkeenna, damaca haatan socoda ee Imaaraadka Carabta loogu wareejinayona waxa uu dib u celinayaa dadaallada naf hurka ahaa ee dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed”. ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.
Eedeynta Farmaajo waxa si degdega uga jawaabtay wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Wasiir Fardowsa Cusmaan Cigal oo waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka sheegaya in la wareejinayo maamulka Hawada Soomaaliya.
“Waxaan ummadda Soomaaliyeed la wadagaynah in ay san waxba ka jirin arrinta Social Media la wareejinayo, Siyaraasiyiinta Soomaaliyeed waxay caadasteen in ay siyaasadda ka dhex baaran arimaha Duulista Hawadda Somalia. Marnaba kama aqbalayno in la marin habaabiyo umadda Soomaaliyed”. ayey qoraalkeeda ku tiri Wasiir Fardowsa
Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Axmed Macalin Xasan ayaa isna war uu soo saaray ku beeniyay eedeynta ka timid madaxweynihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo.
Mareeyaha ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri: “Hawada Soomaaliya waa astaan qaran, waxayna sameysay horumar lataaban karo tan iyo markii ay kusoo laabatay gacanta dowlada Somaliya, waxaan umada Soomaaliyeed ucadaynayaa in aanay suurtogal ahayn in gacan kale ay umaamusho Somaliya mana jiro qorshe ay dowladu ogtahay oo arintaa suurtogal kadhigi kara”.