Tuesday, September 17, 2024

Farmaajo oo Digniin culus u diray Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa uga digay Baarlamaanka Federaalka inay ku dhaqaaqaan arrimo quseeya wax ka bedelka Dastuurka inta laga qabanayo shirka wadatashiga ee Garowe.

Qoraal uu Farmaajo soo saaray ayuu ku yiri: “Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda waxaan u soo jeedinayaa in inta uu shirkaasi socdo ay ka fogaadaan tallaabooyinka aan la isku waafaqsanayn ee la xiriira laalidda dastuurka iyo wax ka beddelka hannaanka maamul ee dalka”.

Farmaajo wuxuu markii ugu horeysay ka hadlay wixii looga hadlay kulankii Doha ku dhex maray isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo sheegay in ka wada hadaleen muhiimadda ay leedahay inuu hoggaamiyo wadatashi heer qaran ah oo lagu wajahayo xaaladaha taagan ee la xiriira wax ka beddelka dastuurka, qaab dhismeelka maamul ee dalka iyo khataraha ku gedaaman madaxbannaanida.

Ad

“Waxaan soo dhoweynayaa shirka Garoowe ee looga tashanayo arimaha hortebinta u leh dalka, aniga oo madaxdii hore ee dalka iyo kuwa xilka haya ugu baaqaya in ay ka qayb galaan shirkaas oo ah mid muhiimad weyn u leh dalka oo xilligan maraya marxalad xaasaasi ah”.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON