Friday, May 23, 2025

Farmaajo oo difaacay Fahad Yaasiin, kana hor yimid Shaqo ka joojintii uu ku sameeyay RW Rooble (Akhriso)

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa difaacay Agaasimihii Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji oo uu shaqada ka joojiyay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu faray Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin inuu sii wato xilkiisa, wuxuuna Farmaajo sheegay isagoo dareensan muhiimadda ay amniga dalka u leedahay hay’adda Nabad Sugidda iyo kaalinta ay kaga jirto ka hortagga khataraha argagaxisadu ku hayaan Soomaaliya iyo saaxibbada caalamkaba;

Wuxuu shaqo ka joojintii Fahad ku tilmaamay tallaabo dhiirrigelin u noqon karta kooxaha arrgaxisada, wiiqaysana sumcadda iyo kaalinta shaqo ee laamaha amniga.

Ad

Qodobadda uu Farmaajo uu soo saaray ayaa kala ah:

1. Go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble in uu yahay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka.

2. Waxaa la farayaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in uu sii wado hoggaaminta Hay’dda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, si waafaqsan Dastuurka iyo Wareegtadii Madaxweynahu uu ku magacaabay.

- Advertisement -

3. Hay’adda Nabadda Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka waxaa la farayaa in ay horkeento Golaha Amniga Qaranka warbixinta laga sugaayay marka la muddeeyo kulanka ugu horreeya ee Golaha Amniga Qaranka.

4. Ugu dambeyntii, Wwuxuu farayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Xukuumadda in ay si hufan u gutaan masuuliyadda ka saaran dhammeystirka hawlaha doorashooyinka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON