Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaako ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho, kadib markii uu muddo 16 bilood ah dalka ka maqanaa.
“Waxaan doonayaa inaan ka shaqeeyo, xalna ka dhex raadiyo Dastuurka furan ee la doonayo in la dhammeytiro, Muwaadin kasta oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha waxaa laga doonayaa inay xal noqdaan, meesha ugu danbeysa oo la rabo in la gaarsiiyana waa wadar-ogol iyo midnimada dadka Soomaaliyeed” ayuu Farmaajo ku yiri farriintiisa.
Wuxuu ku baaqay in mrxaladdan xasaasiga ah gacmaha la is qabsado oo meel iska dhigno khilaafaadka siyaasadeed ee jira.