Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaah markii shanaad dib loo doortay ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Qoraal hanbalyo ah ayuu Farmaajo ku yiri: “Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loo doortay. Waa guul xoojinaysa horumarka iyo xasilloonida gobolka. Waxaan ku kalsoonahay in aad dardargelin doonto horumarka iyo wax wada qabsiga dalalka gobolka”.
Xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa xumaaday intii uu talada hayey Maxamed Farmaajo, kadib markii uu isbaheysi la sameystay madaxweynaha Etirea Isais Afwerki oo dagaal kala dhaxeeyo Jabuuti.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa isna dhambaal hambalyo u diray Madaxweynaha Jabuuti oo mar kale la doortay.
