Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4 daqiiqo kadib soo saaray qoraal uu kusoo dhaweeyey muddo kordhinta uu u sameeyay Golaha shacabka ee xilligiisu dhacay.
Qoraalka madaxtooyada ee degdeg ahaa ayaa lagu yiri: “Farmaajo wuxuu osoo dhoweynayaa sharciga Gaarka ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka soo saareen jiheynta doorashooyinka heer Federaal, kaddib markii qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyadu ay curyaamiyeen Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee Doorashooyinka dalka oo 26kii Sebteembar 2020 uu ansixiyey Baarlaamnka JFS”
Farmaajo ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay qaadaneyso doorka kaga aaddan fulinta sharcigan ay ansixiyeen Golaha Shacabka oo dalka u jiheynaya doorasho toos ah, dibna ugu soo celinaya Shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada iyo masiirka qaranka.
Qoralka waxaa lagu sheegay inuu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo gu baaqay shacabka Soomaaliyeed sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen fursadda taariikhiga ah, ugana qeyb qaadan lahaayeen geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.
“Wuxuu uga mahadceliyey saaxiibbada Soomaaliya ee dadaalka la garab taagan sidii loo sii xoojin lahaa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka oo marxalado kala duwan soo maray. Madaxweynaha ayaa adkeeyey in hay’adaha Dowladda oo ka duulaya Dastuurka dalka, waajibaadka qaran ee ay wakiilka ka yihiin, curfiga diblumaasiga iyo mabaadi’da caalamiga ah in aysan aqbaleyn faragelinta shisheeye ee arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreyso doorashooyinka dalka oo ah arrimo ay u madaxbannaan yihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.” ayaa lagu soo gabagbeeyay qoraalka sii diyaarsanaa kasoo baxay Madaxtooyada.
