Wednesday, December 4, 2024

Farmaajo oo dafiray Heshiis lagu iibiyey Xirmooyin Shidaal oo Wasiir u saxiixay (Akhriso)

War degdega oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomalaiya ayuu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamamaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ku dafiray heshiis uu galay Wasiirka Batroolka Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya.

Wasiir C/rashiid Maxamed Axmed ayaa shaaciyay inuu saxiixay heshiiska wax soo saar wadaag oo xagga shidaalka ah, ayna lana galeen shirkad lagu magacaabo, COASTLINE EXPLORATION LTD, wuxuuna kusifeeyey guul u soo hoyatay Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in uu arrintan taageero uga helay Madaxweynaha DF Soomaaliya oo uu ku garab siiyey dhameystiran geedi socodkan.

“Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka waxay caddeynaysaa in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo” ayaa lagu yiri Qoraalka Madaxtooyada Farmaajo.

Ad

“Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu soo saaray 7dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay Wasiirka Batroolka” ayaa ka mid ahaa qoral degdeg loo qoray oo Madaxtooyada Soomaaliya .

Farmaajoayaa mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takfilka hantida qaranka.

Heshiiskan oo in muddo ah la hadal hayay, isla markaana la ogaa inuu dhacayo ayuu Farmaajo ka gaabsaday, iyadoo wasiirka saxiixa galay uu ka mid ayaay saaxiibadiisa ugu dhow.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON