Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Doolow ee gobolka Gedo ka dejisay ciidamo hor leh oo ka tirsan Militeriga, gaar ahaan guutada Gorgor.
Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa amray in ciidamo iyo hub cusub loo daabulo gobolka Gedo, kuwaasoo diyaarad lagu qaaday maanta, kana degay Doolow.
Garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow waxaa ciidamadan ku soo dhoweeyay talyaha ciidamada Xasilinta Gobalka Gedo Bakaal kooke, Mas’uuliyiinta Gobalka Gedo iyo Saraakiil ka tirsan Militeriga Soomaaliya.
Ciidamadan cusub iyo qoryaha culus iyo gaadiidka dadaalka ee maanta dowladda Federaalka ka dejisay gobolka Gedo ayaa imaanaya iyadoo abaar baahsan ka jirtay gobolkaasi oo la filayey in gargaar lala gaaro.