Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkiisii Shir Madaxeedka 32-aad ee Midowga Afrika oo shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uusan dalka ku soo laaban magaalada Addis kula kulmay qaar ka mida madaxda Afrika sida madaxweynaha Uganda oo dhowaan dalkiisa ka sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad maanusha, iyadoo labada dhinac aysan faahfaahin ka bixin wixii looga hadlay kulanka labada madaxweyne.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale magaalada Addis Ababa shir doceedyo kula yeeshay madaxda dalalka Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea iyo Koonfur Afrika, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Madaxweyne K/Xigeenka Midowga Yurub iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar.
Midowga Afrika ayaa soo saaray go’aan ay ku taageerayaan dayn cafiska Soomaaliya, waxayna baaq u direen hay’adaha maaliyadeed ee caalamka iyo waddamada Soomaaliya daynta ku leh, iyaga oo sheegay in dayn cafisku uu qayb weyn ka qaadan karo xal-u-helidda dhibaatada barakacayaasha ee Soomaaliya.


