Wednesday, February 19, 2025

Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo War-kasoo saaray Garowe (Digniin iyo Baaq Shirweyne)

Madaxweynayaashii hore ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray Magaalada Garowe, kadib kulamo ay halkaas kula yeesheen Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni.

War-saxaafadeedka oo aanu qeyb ka ahayn Madaxweynaha Puntland ayey madaxweynayaashii hore mar kale ku celiyeen sida ay uga horjeedaan dhammeystirka Dastuurka ee uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna inuu dalku ku wado kala qeybin.

Qodobadda Sheekh Shariif iyo Farmaajo ka soo saareen Garowe oo ay ku jirtay digniin iyo baaq shirweyne dib u heshiisiin, ayaa wuxuu u qornaa sidatan:

Ad

Madaxweyneyaashii Hore ee dalka, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka ambaqaadaya doorka kaga aaddan xoojinta midnimada, wadajirka iyo dowladnimada Soomaaliyeed ayaa kulammo wadatashi ah kula qaatay magaalada Garoowe Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, muddadii u dhexaysey 21-ka Maarso – 23 Maarso 2024.

Labada Madaxweyne oo ka walaacsan saamaynta khilaafka arrimaha dastuurka, xaaladda amni ee dalka, khasaaraha ka dhashay weerarrada uu cadawgu ku beegsanayo ciidammadeenna iyo duruufaha halista ku ah jiritaanka iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed, waxa ay soo saareen qodobbadan:

1. Madaxdu waxay bogaadinayaan dadaallada naf-hurnimada leh ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku wajahayaan argagixisada Alshabaab, iyaga oo shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey dhammaan halyeeyada u shahiiday difaaca dalka.

- Advertisement -

2. Madaxweyneyaashu waxa ay adkeeyeen dadaalladii muddada soo socday ee lagu bixiyey dib u dhiska Ciidamada Xogga Dalka Soomaaliyeed, waxayna Dowladda Federaalka ugu baaqeen inay dib ugu soo laabato dhabbaha dhismaha ciidanka iyo dib u xoreynta, iyadoo loo dhammeystirayo ciidamada agabka, qorshaha iyo saanadda ay u baahan yihiin si ay u xoreeyaan dalka.

3. Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa ay la wadaageen Madaxweynaha Puntland natiijada iyo caqabadaha waanwaantii ay ku jireen ee ku saleysnayd khilaafka Dowladda Federaalka ah iyo Puntland ee arrimaha dastuurka.

4. Labada Madaxweyne waxa ay ka xun yihiin in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka cagajiiday ballantii ku saleysnayd isu soo dhaweynta labada dhinac, taas oo markii hore uu ergo ahaan uga codsaday in ay tagaan Garoowe, kana shaqeeyaan xallinta khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowlada Federaalka ah.

5. Labada Madaxweyne waxa ay sii wadi doonaan dadaalladooda ku aaddan isu soo dhaweynta, wadajirka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed waxayna soo jeedinayaan qabsoomidda shir-wadatashi oo ku aaddan xaaladda adag iyo duruufaha khatarta ah ee ku xeeran midnimada iyo qarannimada dalka.

- Advertisement -

6. Madaxdu waxay isku afgarteen in la sameeyo guddi qabanqaabo shirwayne wadatashi oo ka shaqeeyaa farsamada iyo qabsoomidda shirka.

7. Labada Madaxweyne waxa ay ku celiyeen mowqifka adag ee ay ka taagan yihiin qorshaha aan sharciga ahayn ee lagu beddelayo dastuurka dalka, kaas oo halis gelinaya dowladnimada iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

8. Madaxdu waxay farriin u direen Guddoonka iyo Xubnaha Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyaga oo kula dardaarmaya inay ka fogaadaan wax kasta oo kala qeybinaya midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, ayna ka joogsadaan hannaanka aan waafaqsanayn sharciga ee lagu bedelayo dastuurka dalka.

9. Madaxdu waxay uga digayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inuu kusii socdo dhabbahan qardajeexa ah ee beddelidda dastuurka, waxayna usoo jeedinayaan inuu kusoo laabto jidka sharciga iyo wadar-ogolka, ilaaliyana dastuurka uu isagu u dhaartay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON