Madaxda Dowlada Soomaaliya, Mucaaradka iyo madaxdii hore ayaa si isku mid ah u soo dhoweeyay in Soomaaliya laga cafiyay Deyntii lagu lahaa muddo dheer, kadib shuruudo adag oo loo dhigay.
Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bankiga Adduunka ayaa xalay ansixiyay barta dhamaystirka Soomaaliya ee barnaamijka deyn ka-cafinta dalalka saboolka ah deymaha badan lagu leeyahay (HIPC), iyadoo Soomaaliya laga cafiyey deyn dhan $4.5 bilyan oo dibedda looga lahaa.
Siyaasiyiinta ka hadlay ee soo dhoweeyay in Soomaaliya laga cafiyo Deynta waxaa ka mida Madaxweynayaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo qoraallo ay soo saareen uga hadlay arrintan.
Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo guusha taariikhiga ah ee dayn cafinta ee dalkeenna u soo hoyatay, wuxuuna qoraalkiisa ku yiri: “In heerkan la soo gaaro waxaa loo soo maray dadaal badan, waxaa ka soo shaqeeyey xukuumadihii kala dambeeyey ee dalka”.
Sheekh Shariif ayaa ku dooday in Dayn cafintaay soo billaabatay 2011, xilligii uu Madaxweyjaha KMG ah dalka ka ahaa isaga oo ahaa xilli Aabaar daran ay dalka ka jirtay, taasoo o isu bedeshay macluul.
Dhinaca kale Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa isna qoraal aad u dheeraa oo uu soo saaray shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee ku aaddan dhammeystirka halganka deyn cafinta Soomaaliyaku gaartay bar-dhammaadkii dayn cafinta.
Farmaajo ayaa ku doodaya in Qorshaha Deyn cafintu uu ahaa qori isu-dhiib muddo xileedyo kala duwan, wuxuuna qoraalkiisa ku caddeeyay inuu isagu ahaa madaxweynihii xilligiisa la dhammeeyay shaqadii ugu badneyd ee Deynta Cafinta.
“Hoggaamintaydii waxay suurta galisay in aan ku guulaysano bar tilmaameedyadii iyo halbeegyadii ugu badnaa ee la xiriiray hawlaha dayn cafinta; hoggaanka hadda talada hayana uu dhammaystiray”. ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.