Dowladda Faransiiska ayaa si weyn uga carooday hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Turkiga oo weerar afka ah ku qaaday Dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Faransiisku ka dambeeyo xasuuqa iyo dhibaatada kataagan dalka Azerbaijan, sidoo kalena weerar qaawan ku hayo muslimiinta iyo dadka dalkiisa ku nool ee heysta diinta islaamka.
“Maxaa ka khaldan ninka loogu yeero Macron? .. maxay tahay dhibaatada uu ku qabo islaamka…? wuxuu u baahan yahay in dhimirka laga daweeyo..” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga, waxayna arrintan keentay in Faransiska ay u yeerato safiirkii ka joogay dalka Turkiga, iyadoo uu sii xumaaday xiriirka labada dal.
“Maxaad oran lahayd madaxwayne dal oo malaayiin diin haysata ula dhaqmaya sidan, marka hore baaritaan dhanka maskaxda ah isku soo samee,” ayuu yiri Erdodan oo magaalada Kayseri ee dalka Turkiga khudbad uga jeediyey xildhibaannada xisbigiisa.
