Dalalka Itoobiya iyo Faransiiska ayaa kala saxiixday heshiisyo milateri iyo dhaqaale, kadib booqashadii ugu horeyay ee madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron uu ku tegay dalka Itoobiya.
Madaxweynaha Faransiiska iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa ka wadahadlay iskaashiga labada dal, iyadoo Faransiisku uu raadinayo xiriir dhow oo Afrika uu la sameysto, waxaan labada dhinac ay kala saxiixdeen laba heshiis oo kala ah: Difaaca iyo Dhaqaalaha.
Heshiiska milateri ee Itoobiya iyo Faransiiska ayaa waxa ka mida in Faransiiska uu Itoobiya ka taageero dhismaha ciidamada Badda Itoobiya oo ah dal aan lahayn Bad, laakiin dadaal xoog leh ugu jira dhismaha ciidamo Badeed oo uu yeesho.
Heshiiska milateri waxaa laba dhinac u saxiixay Wasiirka Difaaca Itoobiya Aisha Mohammed iyo Wasiirka difaca Fransiiska, dhinac kale heshiiska dhaqaalaha waxaa u saxiixay Itoobiya Wasiirka Maaliyadda Ahmed Shide.
DAAWO SAWIRRADA








