Thursday, April 24, 2025

Fannaanka Cabdi Dhaanto oo faahfaahin ka bixiyey xaqiiqada Kiiskii loo xiray iyo sidii lagu sii daayey..

Fanaanka Cabdi Dhaanto ayaa sheegay in kiiskii loo heystay la dhammeeyay, isla markaana ay gaartay maxkamad, kadibna lagu dhammeeyay cafis, isagoo muddo saddex maalmood ah kadib la sii daayey.

Wuxuu sheegay in habeenkii Isniinta 27-ka Janaayo looga yeeray saldhigga degmada Hodon, toban daqiiqado kadibna la xiray markii loo sheegay in lasoo dacweeyay, wuxuuna ka gaabsaday inuu faahfaahiyo dacwadii loo heystay, isagoo qiray inay ku saabsaneyd nin uu baraha bulshada soo dhigay isagoo ku tilmaamay Shabaabnimo.

“Dacwaddu kuma saabsaneyn arrimo argagixiso sida dadka qaar u fasireen, 10 daqiiqo kadib saldhigga ayaa la igu xiray, wuxuuna ahaa meel aad u dhib badan, subaxdii danbe anigoo katiinadeysan ayaa Oobi la iga qoray, waxaana la ii gudbiyey CID-da” ayuu yiri Cabdi Dhaantooo sheegay in kiiskiisu la xiriiray xoriyadda hadalka.

Ad

Intii aan la xirin ayuu Cabdi Dhaanto bartiisa Facebook soo geliyey sawirka wiil dhalinyaro oo uu sheegay inuu ka tirsan yahay garsoorka dowladda Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay xubin ka tirsan Al-Shabaab, madaxiisana ay hey’adaha amaanku lacag badan duldhigeen ciddii aragtana ay la xiriirto laamaha ammaanka.

Cabdi Dhaanto ayaa sheegay in muddooyinkii ugu danbeeyay uu fanka ka gaabsaday, isagoo wax ka qorayey xaaladda dalka iyo arrimaha siyaasadda, isagoo dhaliilaya dowladda hadda jirta, taasin ay keenay in dad badan ay tagaan maxkamadii la geeyay, iyagoo dacwado u heysta isaga.

Wuxuu sheegay inuu maray xarig, baaritaan iyo Maxkamad, kiiskiina laga laabtay oo cafis lagu dhammeeyay arrintii, basle ciidamada NISA ay isku dayeen inay arrintiisa soo dhex galaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON