Wararka laga helayo  magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Somaliland ay xabsiga dhigeen fanaanka lagu magacaabo Farxaan Muuse Cige (Farxaan Xidig) oo ku sugnaa magaalada Hargeysa.
Fannaankan oo muddo dheer hore u  joogay magaalada Muqdisho, isla markaana ka soo jeeda dalka Jabuuti ayaa wararka laga helayo magaalada Hargeysa sheegayaan in ciidamo ay kaxeysteen iyadoo aan ogeyn sababta xarigiisa.
Farxaan Xiddig oo dhowaanahan ku sugnaa Magaalada Jabuuti, wuxuuna sheegay inuu yahay musharax xildhibaan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya 2016.
Weli wax faahfaahin  ah lagama bixin xariga Farxaan Xiddig, waxaana socda dadaal loogu jiro sii deyntiisa.
Goobjooge.com