Hobolkii caanka ah ee Xasan Aadan Samatar ayaa shaaciyay inuu ka fariistay, kana baxay Fanka, isagoo xilligan u go’ay masjidka iyo barashada Quraanka.
Xasan Aadan oo kasoo muuqday muuqaal uu soo duubay Sheekh Kenyaawi, isagoo xiray Khamiis iyo Koofiyad ayaa sheegay inuu soo arkay Fanka iyo wixii uu ahaa, haddana uu cafis ka dalbaday Alle.
“Fan wixii uu ahaa waan soo arkay, wixii denbi ah Alle ha innaga cafiyo, wixii murti ahaana waa siidaayey” ayuu yiri Xasan Aadan Samatar
Dhinac kale Sheekh Kenyaawi ayaa shegay in Xasan Aadan Samatar uu hadda masaajid Jabbuuti ku yaalla galay oo xifdiyo Qur’aanka kariimka ah, isla markaana lagu tilmaami kao Sheekh Xasan.