5 Israa’iiliyiin ah ayaa lagu dilay 6 kalena waa lagu dhaawacay fiidnimadii caawa oo Talaado ah weerarro toogasho ah oo ay fuliyeen dhallinyaro falastiiniyiin ah oo ka soo jeeda Daanta Galbeed ee la haysto ee u dhow magaaladaTel Aviv.
Wararka ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu toogasho ku dilay nin ka tirsan booliska Israa’iil, iiyadoo ilo-wareedyo ka tirsan Israa’iil ay shaaciyeen in ruuxa dilka geystay lagu magacaabi jiray Diaa Hamrasheh, oo ka soo jeedda tuulada Yabad, oo u dhow magaalada Jenin, oo dhacda woqooyiga Daanta Galbeed.
Booliiska Israa’iil ayaa sheegay in baaritaan horudhac ah oo ay sameeyeen muujinayo in toogashadu ay ka dhacday labo waddo oo ku yaalla bartamaha magaalada Bnei Brak, iyo Ramat Gan. ee bariga Tel Aviv.
Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Ninka weerarka fuliyey uu ahaa Diaa Hamrasheh (27 sano jir ah), waxayna daabacday sawirkiisa markii uu ku xidhnaa xabsiyada Israa’iil, isagoo maxabuus hore u ahaa Yuhuudda.
Sawirro ayaa muujinaya ninka weerarka geystay oo ku sugan Bnei Brak xilli uu tooganayay bartamaha waddo dad badan ku sugnaayeen.