Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee Gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in taliyihii G/Banaadir Hay’adda Nabadsugidda ee NISA Ibraahim Macalin C/llaahi uu xilkii ka qaaday Agaasimaha NISA, iyadoo aan la sheegin sababta xil ka qaadista, waxaana xilkaasi loo magacaabay sarkaal ka tirsanaa nabadsugidda.
Agaasimaha NISA ayaa sarkaal lagu magacaao Ciise Maxamed Ciise u magacaabay taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir, waxaana inuu sarkaalkan yahay mid darajadiisu ay hooseyso oo dhalinyaro ah.
Lama oga sababta keentay xil ka qaadista Taliyihii NISA ee G/Banaadir, laakiin agaasimaha Hay’adda NISA ayaa ka mida madaxda ugu sareysa dowladda Madaxweyne Farmaajo oo go’aamada waaweyn wax ka gaara.