Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo soo noqday agaasimaha Hay’adda NISA iyo la-taliyihii Amniga Qaranka ee dowladii Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu ka baxay kooxda Farmaajo.
Qoraal uu cinwaan uga dhigay: KALA-GUUR SIYAASADEED, ayuu ku faafiyay bartiisa X (Twitter), wuxuuna sheegay inuu oo afjaray saxiibtinimadii iyo wadajirkii siyaasadeed ee kala dhaxeeyay Maxamed C/llaahi Farmaajo.
“Laga bilaabo maanta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay 1-da Sebteembar 2024, waxaa soo idlaaday wadajirkii iyo wada socodkii siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne hore Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana cid walba u caddaynayaa in aanan qayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho”. ayuu qoraalkiisa ku yiri Fahad Yaasiin.
Xogta la heylay ayaa sheegeysa inuu Fahad muddooyinkii danbe xiriir dhow la sameystay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, iyadoo la filayo inuu ku biiro xisbiga Himilo oo ka qeyb ka noqdo Doorashada 2026.
Fahad Yaasiin ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo sababaha keenay inuu xilligan ka baxo kooxda Farmaajo, wuxuuse soo saaray go’aannada soo socda;
1. Waxaan la yeelan doonaa dhammaan saaxiibada aan talo wadaagga nahay wada tashi iyo kulamo looga arrinsanyo ambaqaadka cusub, waana idin la soo wadaagi doonaa xilliga ku haboonaato.
2. Waxaan si mug iyo maqaam buuxa leh uga mahadnaqayaa Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo masuuliyadihii uu ii igmaday iyo kalsoonidii uu isiiyay intii uu ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaana u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan.
3. Waxaan raalli galin buuxda siinayaa cid walba oo dhibsata go’aankan ama lama filaan ay ku noqoto, waxaanse ugu qalbi qaboojinayaa in tallaabadan ay tahay mid danta guud ee qaranka u adeegaysa, kana fog danaysi shakhsi ah.