Tuesday, May 20, 2025

Fahad Yaasiin oo Qormo Baroordiiq ah ka qoray Geerida Jeneraal Farxaal Qaroole

-

- Advertisement -

FARXAANOOW; NAFTAADII DALKAAD U HIBEYSAY, GEERIDAADIINA QULUUBTII DADKAY MIDEYSAY

Kumuu ahaa Janaraal Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole)?

Wiil dhalinyara ah oo gaaban, oo misana caata ah, oo hadana bar-yar, bashaash ah, sida magaciisa ka muuqato aad Farxaan u ah,fariid-nimana u dhashay, fiiro dheer, hadal yar, misana qorshe dajisan kara, qarankiisa iyo madaxdiisana daacad u ah, dhiigiisa iyo dhididkiisana u huray dalkiisa, godkii Jannadana u galay (Insha’allaah) isagoo difaacaya sharafta iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed.

Magaciisa siduu u faafay, siduu u jin yaraa, iyo da’iisa siday u yarayd, intaas kaliya sabab uma noqon karin darajada uu gaaray ee wuxuu maqaam sare ku mutaystay daacadnimada, hawlkarnimada, wadaniyadda iyo qaran jacaylka qalbigiisa ku abuurnayd.

- Advertisement -

Wuxuu kamid ahaa dhawr dhalinyaro ah, aan ku bartay shaqada amniga iyagoo ah saraakiil dhexe, wuxuuna aad u jeclaa inuu mar walba waxbarto oo uu aqoon ciidan kororsado, wuxuu qayb ka ahaa ciidankii laga wareejiyey Nabadsugidda ee loo wareejiyey Booliska.

Ma uusan iska dhigin Sarkaal xil raadinaya ee wuxuu la xarooday askar tababar loo xaraynayey oo lagu aasaasay ciidankii Haramacad, wuxuuna galay dufcad tababar ku qaadatay Xamar iyo Turkiya.

Wuxuu soo laabatay isagoo helay aqoon Boolis, iyo tababarka hawlgallada gaarka ah, waxaana loo magacaabay Taliyaha ciidanka gaarka u tababaran ee Haramcad. Wuxuu lahaa sifo ay aad ugu yar tahay hoggaannada ciidanka, taasoo ah inuu saaxiib dhaw la ahaa ciidanka uu madaxda u yahay iyo inuu daacad u ahaa qarankiisa.

Dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray, intaba si daacad ah ayuu u gudanayey shaqada qaran, waana sababta dawladdii timaadaba ay u aamintay, oo uu mustaqbalkiisa mar walba horumar u gaarayey.

Saddex qolo ayaa mudan inaan uga tacsiyeeyo geerida xanuunka badan ee ku timid walaalkeen Halyeey Jeneraal Farxaan Maxamuud (Qaroole).

Qolada koowaad waa qoyskiisa oo ay ugu horreeyaan waalidkiisa, xaaskiisa iyo caruurtiisa. Waxaana leeyahay, geeridu waa xaq ee samir iyo iimaan Allaha idin ka siiyo, marxuumkana Jannadii Alle ha geeyo, ilmihiisa iyo qoyskiisana Allaha dhawro oo barakeeyo, waalidkiisana waxaan si gaar u leeyahay qadarta ilaahay raalli ku noqda, rabigii abuuray ee koonka keenay baa haddana naga ceshaday.

Qolada labaad waa Madaxweynaha iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ahna Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, waxaan leeyahay Mudane Madaxweyne waxaan kula

qaybsanaynaa xanuunka iyo tacsida geerida ku timid Jeneral Farxaan Qaroole, oo maanta Shahiiday isagoo gudanaya waajibka qaran ee aad fartay oo ah la dagaallanka Argagixisada.

Madaxweyne samir iyo Iimaan Allaha kaa siiyo, waxaana kuu rajaynayaa inaad ku guulaysato horumarinta tayada ciidanka iyo nabadayta qarankeena. Sidoo kale, ciidanka Booliska ee uu kamid ahaa Jeneraal Farxaan, waxaan kusii adkaynayaa in geerida Shahiidka qaranka Farxaan, ay ku dhaliso dhiiranaan iyo dhiigga iyo dhididka in loo huro dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Qolada Sadexaad waa Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan leeyahay, ogaada in dalkii ay u kaceen dhallinyaro waddaniyiin ah, leh xirfad iyo tababar ciidan oo sare, qarankoodana daacad u ah, kana mid ah qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida. Sidaas darteed, boqollaal Farxaan oo kale ah oo booskiisa buuxiya, shacabkoodana difaaca

waan leenahay, waxaana ilaahay ka baryeynaa in madaxda qaranka uu haleeshiiyo in ay soo saaraan awoodda iyo tayada dhallinyarada kor u qaadi kara rajada iyo niyada shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Walaalkay Farxaanoow, waan ogahay inaysan ku soo gaaraynin fariintan, laakiin waan ku khasbanahay inaan kuu soo diro. Farxaanoow, inaad jid xaq ah ku dhimatay, inaad dalkan daacad u ahayd, inaad sarkaal qaran ahayd ood ka saraysay siyaasadda waxaan

ku gartay, madaxdii umadda Soomaaliyeed oo dhan, khilaaf kasta oo dhexdooda yaalay, intey gees isaga dhigeen.

Waxaa mideeyey iney kuu wada duceeyeen, kuwada amaaneen, iyagoo kuwada jecelna aad Shahiiday. Naftaadii dalkaad u hibaysay, geeridaadiina dadkay midaysay. Rabigay Jannada guri hakaaga yeelo, danbigaaga aduun xasanaad hakuugu baddalo, annagana gadaashaa Eebe nama fitneeyo.

W/Q: Fahad Yaasin Xaaji

La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Dowladda Soomaaliya oo Guulo ka sheegatay Dagaallo culus oo ka socda Xadka Sh/Dhexe iyo Hiiran

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in gobolka Hiiraan lagu jabiyay maleeshiyaadka Khawaarijta, kadib weeraro ay kusoo qaadeen deegaano dhaca...

Sheekh Shariif oo Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay Dayac Amni

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ee Alshabaab saakay ku qaaday xerada Damaanyo ee magaalada Muqdisho.Qoraal uu...

In ka badan 20 Qof oo ku dhintay Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Xerada Damaanyo

Is-miidaamiye isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku dhex qarxiyay dhalinyarro saf ku jirtay xerada Damaanyo ee Magaalada Muqdisho.Dhalinyarrada ayaa loo qorayay ciidamoada dowladda,...

103 Xildhibaan oo Madaxweyne Xasan Sheekh usoo jeediyay 5 Qodob ama inuu is-casilo

 103 Xildhibaan oo ka tirsan labada aqala ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah usoo jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu xilka isaga...

Guddiga Doorashooyinka oo diiwaangelin ka bilaabaya Khaatumo, Galmudug, Hirshabeelle iyo K/Galbeed

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariim Axmed Xasan ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee guddiga, isagoo ku dhawaaqay in 30 cisho oo...

Farmaajo oo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka JFS

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay xaalada siyaadadeed ee dalka ka jirta, isagoo eedeyn u jeediyay...

16 Siyaasi iyo Madax hore oo Qoraal dheer oo Digniin ah u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

War saxaafadeed ay si wadajir usoo saareen qaar ka mida Madaxdii hore, siyaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal xisbi ayaa si weyn loogu cambaareeyay xaaladda uu dalka...

XOGAHA QARSOON

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Cadaadis lagu saarayo inuu xilka iska casilo

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa la sheegay inuu wajahayo sadaadis siyaasadeed oo xoog leh, kadib markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed...

XOG laga helay Mooshinka laga keenay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaanno lagu eedeeyay inay Itoobiya…

Dood culus ayaa ka dhalatay Mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi oo ay shalay qabteen Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka,...

XOG: Saldhigga Dayax-Gacmeedyada Turkiga iyo Dhul Xeebeedka Dowladda Somaliya bixisay

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya ka dhisto Saldhig weyn oo qaabilsan hawada sare, kaasoo laga diri doono Dayax-gacmeedyada sahanka hawada sare.Mashuurca Hawada Sare...

Kulan la isugu keeni lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Abiy Ahmed oo fashilmay

Wararka laga helay ilo diblomaasi ayaa sheegaya inuu fashilmay qorshe lagu doonayay in lagu kulansiiyo Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you