“Markii aan si qoto dheer uga baaraandagay Qaraarka ay soo saareen Garsooreyaasha, waxaan rabaa…”
La-taliyaha madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Fahad Yaasiin Xaaji oo loo yaqaan Fahad Daahir ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu ixtiraamayo go’aanka ay Maxkamada Sare ku diiday dacwadii uu ka gudbiyey kursiga HOP086 ee uu kusoo baxay Doorasho khilaaf dhalisay oo ay laaleen Guddiga Doorashda FEIT.
HOOS KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA FAHAD:
QARAARKA AY SOO SAARTAY MAXKAMADDA SARE EE KU AADDAN CABASHADII AAN GUDBIYAY
Waxaan Maxkamadda Sare ee dalka u gudbistay 9-kii Abriil 2022 cabasho lid ku ah go’aankii siyaasadeysnaa ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ay ku hakiyeen natiijada tartankii daaha furnaa ee aan u galay kursiga HOP086.
Qabashada kiiskan ee Maxakamadda Sare iyo tallaabooyinkii ka dambeeyay ee ay qaaday kuwaasoo ay ku dalbatay in labada dhinacba ay soo gudbiyaan dulucda doodaha ay qabaan iyo dhagaysiga labada dhinac ee warbaahinta laga tabiyayba waxay caddeynaysaa in Maxkamaddu ay gudagashay gar-maqalka cabashadan.
Si kastaba ha ahaatee, markii aan si qotodheer uga baaraandagay qaraarka ay soosaareen garsooreyaashu, waxaan rabaa inaan bulshada Soomaaliyeed la wadaago inaan ixtiraamayo qaraarka kasoo baxay Maxkamadda Sare, oo ah hay’adda ugu sarreysa ee garsoorka dalka, kaasoo ay ku sheegeen in aysan awood u lahayn go’aan ka gaarista gal-dacwadeedka.
Fahad Daahir
La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS
20ka Abriil, 2022
