Thursday, March 20, 2025

Fahad Yaasiin oo ku hanjabay inuu Dacwad kusoo oogayo Xildhibaan Su’aal kulul weydiiyey (Dhageyso)

Ku-simaha Taliyaha NISA ayaa ka carooday su’aal uu weydiiyey xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, isagoo ugu hanjabay inuu dacwad ku soo oogayo, sharcigana la tiigsanayo.

Xildhibaan Zakariye Gaashaan ayaa fadhigii su’aalo weydiinta ee maanta oo ay ku sugnaayeen xubo uu ka mid yahay ku-simaha Agaasimaha Hay’adda NISA, si toos ah u weydiiyey Fahad Yaasiin arrin dacwad Ku-xigeenkii hore ee NISA Jen. Cabdalla Cabdalla uu ku soo oogay Fahad Yaasiin oo ku saabsaneyd inuu xiriir la leeyahay Alshabaab iyo sida Fahad Yasiin loogu aamini karo xilka sare ee NISA, isagoo aan dacwadaasi ka gar bixin; taasoo keentay in jawaab culus uu bixiyo Fahad Yaasiin.

Wuxuu Guddoonka Guddoonka Baarlamaanka ka dalbaday inuu raalligelin ka bixiyo isla waqtigaasi haddii kale uu qaadanayo xaqa qaanuuniga ah uu leeyahay oo ah inuu dacwad ku soo oogo, wuxuuna xildhibaannada u sheegay in sababta saxaafadda loo dalbaday in laga xiro kulanka ay ahayd in arrimahaas oo kale ay dhici karaan.

Ad

“Waxaa ii muuqata Hay’adda Nabadsugida in la xurmo dareeyay in golihii dhexdiisa in su’aal noocaan la isku dhex weydiiyo.., Aniga shaqsiyan aanan u qalmin taas… hadalkaas wuxuu gef ku yahay hea’adda Nabadsugida iyo shaqsiyan aniga, waxaa codsanayaa Xildhibaanka inuu cudurdaar ka bixiyo, haddii kale xaqa qaanuuniga aan leeyahay ayaa qaadanayaa” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Ku-simaha Agaasimaha NISA ayaa difaacay xilka eryidii Jen. Cabdalla Cabdalla oo uu sheegay inuu bixiyey sir qaran, ayna arrintiisa go’aan ka gaareen Guddi anshax, sidaasina xilka looga qaaday.

Xildhibaan Zakariye Gaashaan ayaa dhinaca kale diiday inuu raaligelin ka bixiyo su’aashii uu weydiiyey Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin, wuxuuna sheegay in laga rabo inuu ka jawaabo su’aasha oo aanu ka guban xaqiiqadana caddeeyo.

- Advertisement -

HOOS KA DHAGEYSO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON