Iyadoo ay weli socoto dooda ka dhalatay Dhulka Qabuuraha Dugsiga Booliska Muqdisho oo dowladda Soomaaliya ay amartay in Meydadka laga saaro si saldhig ciidan looga sameeyo ayaa dagaalka ka socda Baraha Bulshada waxaa kusoo biiray agaasimihii hor ee NISA Fahad Yasiin Xaaji.
Qoraal kooban ayuu gacan-yarihii Farmaajo ku sheegay in dhulkii Taliyaha ciidamada Badda uu xoog ku heysto NIn Senator ah oo qaraabo la ah Madaxweynaha. “Muuse Suudi oo sharci darro ku dagan gurgii Taliyaha Ciidanka Badda, Saciid Mariino, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku abaal mariyey inuu gurigaas ku booqday 12kii February 2024”.
Fahad ayaa ku eedeeyay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh amray in la soo faago qubuurihii Booliska, wuxuuna is-weydiiyay: “Madaxweyne Xasan hal su’aal baa u taala. Maytida qudheeda sow Madaxweyne uma tihid?”
Fahad oo muddooyinkan danbe Baraha bulshada u adeegsada mucaaradka dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa arrintan soo dhex galay markii uu Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Nuur Jaamac dowladii Farmaajo ku eedeeyay inay Dhulka Qabuuraha Booliska ay dowladii Farmaajo isku dayday inay Ganacsato ka iibiso, balse ay ka hor istaageen Culimada.