Taliyihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji iyo gacan-yarihiisii xildhibaan hore C/raxmaan Kulmiye Xersi ayaa maanta ka baxay dalka, iyadoo ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Safarka madaxdii hore ee ugu awoodda badneyd Hay’adda NISA Fahad Yaasiin iyo saaxibkiis C/raxmaan Dheere ayaa kusoo beegmay maalin ka hor marka xilka wareejiyo madaxweynihii ay la shaqeynayeen ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Labada nin ayaa waayey xilal xildhibaannimo si ay xasaanad u helaan, waxayna wararka qaar sheegayaan inay dalka Turkiga, kadibna ay tegi doonaan dalka Qatar oo ay xiriir dhow la leeyihiin.
Waxay Garoonka Muqdisho ka raaceen diyaaradda Turkish Airlines oo duulimaadkeedu ahaa mid toos ah Muqdisho-Istanbul.
Safarka Fahad iyo C/raxmaan Dheere ayaa laga yaabaa mid ay dalka uga baxsanayaan xilliga hore ee xukunka Xasan Sheekh, kadibna ay xaaladda qiimeyn doonaan.
Madaxweynaha cusub ayaa markii la doortay sheegay inaysan jiri doonin aargoosi, laakiin madaxdii hore ee NISA waxaa loo heystaa kiisas waaweyn oo qaarkood maxkamadaha yaallaan.
