Friday, March 14, 2025

FADEEXO: Shirkad gaara oo si qarsoodi ah loogu wareejiyay howlihii Wasaaradda Gaadiidka (Warbixin xasaasi ah)

Mareegta Goobjooge.com ayaa ogaatay in shirkad gaar loo leeyahay oo Soomaaliyeed laguna magacaabo Modern Technology Inc  si qarsoodu ah loogu wareejiyay howlihii ay qaban jirtay Wasaaradda Gaadiidka dowladda  ee ay ka mid ahaayeen:

  1. Bixinta ruqsadda wadista baabuurta (Leysin)
  2. Bixinta Buugga lahaanshaha Baabuurta
  3. Taargooyinka Baabuurta

Shirkadan cusub ee ay leeyihiin shaqsiyaad Soomaali ah ayaa la sheegay in arrinteeda sanad ka badan soo socotay, heshiiska loogu wareejiyay howlihii wasaaradda gaadiidkana waxaa saxiixay  wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka Saciid Jaamac  Qoorsheel, waxayna shirkadani ay taageero ka heysatay madaxweynaha dowladda Federaalka iyo xubno u dhow, balse  shaqsiyaadka watay waxay ka kooban yihiin beelo kala duwan, qaarkoodse ay  xiriir qaraabonimo ka dhaxeyso madaxweynaha, taasoo keentay inuu wasiirkii hore si fudud u fuliyo heshiiska. Wararka qaar ayaa sheegay inuu wasiirkii hore ka qaatay shirkadani lacag ka badan Rubuc Milyan Doolar.

xarunta-wasaradda

Ad

[row][double_paragraph]

Wasaaradda Gaadiidka oo ka mida wasaaradaha fara ku tiriska ah ee dhaqaalaha soo geliya dowladda ayaa hadda noqotay mid u gacan gashay shirkad gaar loo leeyahay oo heshiiska lala galay iyo qaabka heshiiskaasi u dhacay aanu caddeyn ama ugu yaraan laga qariyay hay’adihii ay ahayd inay ansixiyaan sida Baarlamaanka. Heshiiska lagula wareegay howlihii wasaaradda Gaadiidka dowladda ayaan la ogeyn qaabka loo siiyay iyo sharcinimada heshiiska.

Shirkada Modern Technology Inc oo aan ahayn shirkad hore u jirtay ama howlaha ay la wareegtay aqoon u leh  ayaa ilaa iminka ku guuleysatay inay la wareegto bixinta Leysimada baabuurta, iyadoo bedeshay  leysinkii hore ee wasaaradda Gaadiidka oo ahaa mid waraaqo isku xiran ka sameysan, waxayna u bedeshay mid laf ahoo muddo saddex sano ah soconaya iyadoo aan wax canshuur ah laga qaadin, halka Leysinkii hore uu ahaa mid sanad waliba la canshuuro.

- Advertisement -

[/double_paragraph][double_paragraph] [ad name=”HTML-2″] [/double_paragraph] [/row]

[ad name=”HTML-2″]

 

Leysinka hoos ku sawiran oo ahaa kii ugu horeeyay ee shirkadani daabacdo ayaa markii uu suuqa galay kadib la arkay in la been abuuray oo suuqa Cabdalla Shideeye lagu daabacay, haddana waxaa dhacday in degdeg ay shirkadii u bedeshay oo nooc kale la daabacay. Sidoo kale waxay shirkadani la wareegtay horaantii bishan April sameynta Buugga Baabuurta iyo taargooyinka oo ahayd labadi qeyb ee ka harsaneyd howshii wasaaradda Gaadiidka. Dhammaan howlahan ayaa dhacaya iyadoo aanay jirin cid ka hadashay sida hay’adihii dowladda u qaabilsanaa kormeerka iyo la socodka arrimahan oo kale sida Hanti dhowrka iyo Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Gaadiidka.

- Advertisement -

Madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda Gaadiidka ka howlgala ayaa qaarkood ka gadooday inay la shaqeeyaan shirkadda  cusub, laakiin qaarkood ayaa wararku sheegayaan in si hoose loola hadlay oo la afgartay. Waxaa jira qaar ka mida shaqaalihii hore ee wasaaradda oon weli ku qanacsaneyn heshiiska iyo sida wax u dhaceen, waxaase socda waanwaan uu qeyb ka yahay wasiir Jangeli.

Driving licence

Wasiirka cusub ee Gaadiidka Cali Jaamac Jangeli ayaa isna fuliyay  heshiiska ay shirkada Modern Technology Inc  kula wareegtay howlihii Wasaaradiisa Gaadiidka  kadib markii ay is afgarteen xubnaha shirkadda cusub, isla markaana madaxda sare u sheegeen inuu howshan fuliyo, mar haddii uu heshiisku ka horeeyay, waxaana la arkayay isagoo ku howlan meelmarinta heshiiska.

Baarlamaanka Soomaliya oo kalfadhigiisii lixaad furmayo 20-ka Bishan waxaa looga fadhiyaa inay arrintan baaritaan ku sameeyaan, waxaana xubno ka mida shaqaalaha wasaaradda gaadiidka ay cabasho u geeyeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka. Heshiiskan qarsoodiga waa sharciga la waafajiyo si aysan u dhicin in adeegii dowladda ay dad gaar ahi ula wareegaan si aan sharci ku dhisneyn mugdi ku jiro.

Hore wuxuu baarlamaanka Soomaaliya uu guul darreystay inuu hor istaago ama sharciga waafajiyo heshiisyadii shirkado Turki ah lagula wareejiyay maamulka Ilaha ugu waaweyn Muqdishoo ee Garoonka Diyaaradaha iyo Dekadda Muqdisho, oo iyadoo tan danbe ay baarlamaanku amar ku bixiyeen inaan la wreejin karin uu wasiirkii hore ee Dekadaha Yuusuf Baadiyow maalin cad ku wareejiyay shirkadda Turkiga ee kuna dooday inuu heshiiskaasi isaga ka horeeyay.

 

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

[ad name=”HTML-4″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON