Wasaaradda Amniga gudaha ayaa fadeexad culus ku soo baxday kadib markii ay inkirtay khasaarihii ka dhashay weeraro madaafiic ah oo maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada Villa Somalia iyo agagaarkeeda. Warsaxaafadeed lagu sheegay inuu ka soo baxay Wasaaradda Amniga gudaha oo lagu soo xigtay Wasiirka wasaaradaasi C/risaaq Cumar Maxamed ayaa lagu sheegay inaysan wax khasaare ah ka dhalan weeraradaasi ayna ahaayeen dheemish iyo been abuur.
[ad name=”HTML-2″]
Goobjooge.com ayaa soo xaqiijiysay inuu ugu yaraan madfac ku dhacay hoyga ay degan tahay xildhibaanad Fowsiyo Maxamed Sheekh uu geystay khasaare dhimasho ah, waxaana ku naf waayay madfacaasi askari ka tirsan ciidamada dowladda oo ilaale u ahaa xildhibaanada kaasoo lagu magacaabi jiray Ibraahim Macalin Cali (Qooshow).
Askariga dhintay wuxuu ka mid ahaa ciidamo xul ah oo ka tirsan ciidamada Milateriga dowladda Soomaaliya, wuxuuna tababar ku soo qaatay dalka Talyaaniga oo dhowaan uu ka soo laabtay. waxaa geeridiisa sababay madfac ka mid ahaa laba madfac oo ku soo dhacay guriga xildhibaanada barxadiisa, isagoo ka haleelay dhabarka oo firir xoog leh ka gaaray taasoo keentay inuu u geeriyoodo.
Dhinaca kale waxay madaafiicda maanta dhaliyeen khasaare kale oo dhaawacyo kasoo gaareen laba askari iyo xildhibaan hore oo lagu magacaabo Axmed Xaashi oo firir ka soo gaaray. Baabuur badan oo dad kala duwan ay lahaayeen ayaa iyaguna khasaare lixaad leh ka soo gaaray madaafiicdii maanta oo Alshabaab ay sheegatay inay ka dambeysay.
Allaha u naxariistee Askarigan qiimaha u lahaa dowladda Soomaaliya waxaa meydkiisa la geeyay Isbitaalka Imaaraadka ee ku dhex yaala Madaxtooyada, waxaana wax laga xumaado ah oo dembi  iyo fadeexad noqonaya in wasiir ka mida xukuumadda iyo wasaaradii Amniga Dalka ay inkiraan dhimashada iyo dhaawaca muwaadiniintaas qaaliga ah oo haddana ka mida ciidamada dowladda, isla markaa dafiraan wixii dhacay oo dhan, halkii ay wax uga qaban lahaayeen.
Waxaa sidoo kale xaqiiqo ahayd in madaafiicdaasi ay khalkhal geliyeen shirkii Golaha wasiirada oo xilligaas ka socday xarunta Xukuumadda oo mar ku sigtay in la hakiyo. Dowladda Soomaaliya iyo wasaaradda Amniga oo wasiirkeedu ugu horeeyo waxaa looga fadhiyaa inuu arrintan cudurdaar iyo raali gelin ka bixiyo, dibna u saxo khaladkiisa ama ciddii ka dambeysay ee sidaas wax u abaabushay tallaabo cad laga qaado.
Xukuumadda iyo Ra’iisal wasaaraheeda waxaa iyana laga doonayaa inay la xisaabtamaan wasaaradda Amniga lagana qaado tallaabada ku haboon maxaa yeelay fadeexad heerkan gaarsiisan ma aha mid dowladdu ka aamusi karto, dadkuna ugu dulqaadan karaan inay ka timaado hay’adihii loo igmaday inay ilaaliyaan amniga dadka iyo dalka.
HOOS KA AKHRI WARSAXAAFADEEDKA WASAARADDA EE RADIO MUQDISHO BAAHIYAY
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]