Raashin gargaar ah oo dowladda Masar ugu deeqday Soomaaliya ayaa fadeexad ku soo baxday kadib markii raashinkaasi la furay Konteenaradii uu ku jiray uu noqday Raashin halaabay oo qurmay.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa dekedda Muqdisho ku soo bandhigtay raashinka deeqda ahaa ee ka yimid Masar, isagoo noqday raashin is bedelay oo aan ahayn mid la isticmaali karo. Raashinka oo  ku jiray  7 Konteenar, ayaa la dhigay Bakhaaro ku yaalla Dekadda Muqdisho oo saxaafadda lagu tusay.
Wasiir dowlaha Arrimaha Gudaha C/rashiid Xiddig oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay u mahadcelinayaan dowladda Masar, wuxuuna caddeeyay in Masar aysan Soomaaliya u soo dhiibin raashin xumaaday, balse ciladdu ay noqotay Shirkaddii soo rartay ee Markabka lahayd inaysan si fiican u keydin.
Raashiinka ayaa lasheegay in isla maanta lagu gubay magaaladda Mogadishu, iyadoo wasiirku sheegay inaan Bakhaarada laga soo saari karin.
Goobjooge.com