Mid ka mida sii-hayeyaasha wasiirada xukuumada kalsoonida lagala noqday Md. Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ku dhaqaaqay tallaabo fadeexo weyn dhalisay oo wasaaradda uu maamulo ceeb weyn dhex gelisay xilli uu ahaa sii haye. Sii-hayaha Wasiirka.

Mr. Beyle ayay Goobjooge.com soo xaqiijisay inuu musuqmaasuqay tababarro dowladda Turkiga ay siiso shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya si kor loogu qaado aqoontooda diblomaasiyadeed, waxaana tababarkii ugu danbeeyay oo loogu talogalay 12 qof wasiirku ku qoray dad aan ka mid ahayn shaqaalaha wasaaradda.
Dadkan oo 19-kii Bishan Disember uu wasiirku ka dhoofiyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho sida warbaahinta dowladu baahisay ayaa xogtu sheegeysaa inay isku jireen dad wasiirku ka qaatay lacago xambaar ah oo doonayay inay dalka Turkiga tagaan kadibna Yurub uga sii gudbaan iyo qaar kale oo wasiirka iyo agaasimihiisa guud ee wasaaradda arimaha dibadda ehel ay ahaayeen . Afar ka mida 12-kii loo diray koorsada waxbarashada Turkiga oo bari lahaa IT ayaa lagu waayay garoonka Istanbuul kadib markii ay gooseen isla markii ay ka degaan diyaaradda.
Wararka ayaa sheegaya in 8-da soo hartay oo safaaradda ay dejisay Hotel kadibna markii la geeyay xaruntii lagu tababari lahaa ay sheegeen inaysan tababar u imaan Turkiga kana mid ahayn shaqaalaha wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya, balse ay yihiin dad xambaar lagu keenay oo u socday Yurub, lagana qaatay lacag.
Fadeexadan ayaa noqoneysa sii ugu cusleyd ee soo wajahda wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, iyadoo wasiir C/raxmaan Beyle ku dhiiraday inuu ku lug yeesho fadeexad, xilkii weyneyd ee loo xil saarayna ku soo gabagabeeyo is–xanbaar ceebeed markii uu xaqiiqsaday inuusan kusoo laaban doonin golaha wasiirada cusub. Fadeexadan waxay  sii xumeyneysa wejigii markii horeba liitay ee dibloamasiyiinta Soomaalida.
Hoos ka eeg qoraalka safaaradda Somaaliya ee Turkiga iyo sagootintii C/raxmaan Bayle
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]