Saturday, March 15, 2025

Facebook oo kashifay Lacag Ruushku ku bixiyay Iidhehyo been abuura Doorashadii Mareykanka

hirkadda Facebook ayaa heshay in Ruushku uu maalgaliyay fariimo siyaasadeed iyo ol’ole bulshada kala qaybinaya oo loo adeegsaday barteeda ay bulashadu ku xiriirto.

Shirkaddu waxay sheegtay in $100,000 lagu bixiyay 30 xayaysiin, muddo labo sano ah oo ku eg bishii May ee 2017kii.

Xayaysiinnadaas ayaanse si gaar ah u taageeri shaqsiyaad gaar ah, laakiin waxay ka hadleen mawduucyo ay ka mid ayihiin, soo galootiga, jinsiga iyo xuquuqda sinnaanshaha.

Ad

Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in ay baaritaanka arrintan iskala kaashadeen baareyaasha Maraykanka.

Caddaymaha ay shirkaddu heshayna waxay ku wareejinaysaa Robert Mueller oo ah dacwad ooge khaaska ah ee qaabilsan eedaymaha sheegaya in Ruushku uu farogaliyay doorashadii madaxweynaha ee Maraykanka oo sannadkii hore dhacday.

- Advertisement -

Xayaysiinnadan ayaa diiradda lagu saaray 470 ciwaanno Facebook oo faafinayay xog been ahayd ama liddi ku ahayd xeerarka Facebook, sida ay shirkaddu sheegtay.

Warar Xul ah
SourceBBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON