Dadaalkii dowladda Federaalka ugu jirtay inay doorashada Koonfur Galbeed ka reebto musharaxa Mukhtaar Roobow Cali ayaa fashil ku dhow, kadib markii Guddiga Doorashooyinka ay diideen inay shuruudo cusub soo rogaan mar labaadna la guddoonsiiyey shahaadada musharaxnimada.
Guddiga cusub ee Doorashada madaxweynaha K/Galbeed ayaa ku adkeystay inuu ku socon doono shuruudihii Guddigii hore dejiyay, isla markaana ay sharci yihiin musharixiinta hore isu diiwaangeliyay oo uu ka mid ahaa Mukhtaar Roobow, taasoo meesha ka saartay qorshihii dowladda Federaalka ugu jirtay in musharaxan doorashada laga reebo.
Waxaa guuleysan waayey laba qorshe oo dowladda Federaalka uga hor timid musharaxnimada Roobow oo midkood wasaaradda Amniga ay Soomaaliya ay ku diiday musharaxnimadiisa [Akhriso Qoraalka], iyadoo guddigii loo adeegsan lahaana uu ka biyo diiday, taasoo sii adkeysay dagaalkii hoose ee doorashada madaxweynaha K/Galbeed.
Wararka kale ayaa la helay oo sheegayey inuu socdo qorshe Sheekha lagu doonayo in si hoose looga reebo doorashada, taasoo loo marayo is-faham la mida qorshihii uu isku casilay Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana muuqata inay arrintaasina socon weyday oo Sheekhu ku adkeysatay musharxinimadiisa.

Waxay xaaladda ka sii dartay markii shan musharax oo ka mid ahaa siyaasiyiin u taagan xilka madaxweynaha K/Galbeed ay ku dhawaaqeen inay u tanaasuleen Mukhtaar Roobow, taasoo culeys kale u yeeshay Sheekha oo hadda looga cabsi qabto inuu soo afjaro rajadii Nabad iyo Nolol ee maamulka K/Galbeed. [Akhi warkan].
Mukhtaar Roobow oo markii hore ay qaar ka mida dowladda Federaalka geeyeen Baydhaba, kana danbeeyeen musharaxnimadiisa ayaa hadda noqday caqabadda ugu weyn ee kugudban qorshaha madaxda dowladda Federaalka ku doonayeen inuu maamulka K/Galbeed madaxweyne ka noqdo musharaxa ay wataan C/casiis Lafta-gareen.
Wadaadka Mukhtaar Roobow wuxuu noqday musharax heysata shacbiyad, isla markaana ay taageereen dhammaan intii ka horjeeday qorshaha Villa Somalia la damacsan tahay maamulka Konfur Galbeed.

Qorshaha kaliya ee haray waa in Mukhtaar Roobow lagu reebo awood ciidan ama gacan ka hadal, taasoo haddii ay dhacdo fashil weyn keeni doonta, iyadoo taageerayaal aan dab yar shideyn ay Sheekha u joogaan Baydhaba.
Fashil ku yimaada qorshaha madaxda dowladda Federaalka iyo musharaxooda C/casiis Lafta-gareen wuxuu ka dhigan yahay jug xoog leh oo soo gaartay dagaalkii ay Villa Somalia kula jirtay madaxda maamul Goboleedyada., waxaana loo arkaa inuu madaxda maamul Goboleedyada kusoo biiri doono wadaad ka darran Axmed Madoobe.
GOOBJOOGE.NET