1-da Bishan May 2018 waxaa ku dhammaaday 100 maalmood oo uu xilka hayey guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna wasiirkii hore ee warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo xilka loogu magacaabay si lama filaan ah kadib markii ay isku dhaceen Guddoomiyihii shacbiyadda badnaa Taabit Maxamed Cabdi & Madaxtooyada.
Dad badan ayaa ugu horeyntiiba saadaaliyey in C/raxmaan Yariisow xilkan loogu dhiibtay inuu u s hayo madaxda sare iyagoo ku dhaliilay inuu yahay nin dolwad ku nool ah oo aan lahayn damac siyaasadeed, isla markaana maareyn karin xilka culus ee hoggaanka Gobolka Banaadir.
Qormooyin taxane noqon doona ayaan dib ugu eegeynaa: Waxqbadka, Caqabahada iyo Xaaladihii la soo gudboonaaday Guddoomiye Yariisow 100-kii maalmood ee uu xilka hayey, inagoo soo bandhigi doona arrimaha ugu muhiimsan wixii ka dhacay maamulka G/Banaadir intii uu xilka hayay Yariisow.
Arrimaha ugu muhiimsan ee Qormadan soo bandhigi doonto waxaa ka mida:
1- Sidee loo magacaabay Guddoomiye Yariisow: oo lagu eegi doono cidda ka danbeysay in xilkan loo magacaabo iyo xaaladii ku wareegsaneyd magacaabidiisa, waxaan kaloo soo bandhigi doonnaa khaladaad ka dhashay qaabkii magacaabidda maamulka Gobolka Banaadir ee soo baxay 21-ka Janaayo 2018.
2- Qodobka labaad ee aan Qormooyinkeena ku faaqidi doono ayaa noqon doona hoggaanka Guddoomiye Yariisow iyo wada-shaqeynta kala dhaxeysa maamulka mar qura la wada magacaabay ee uu guddoomiyaha u yahay, iyadoo lagu bandhigi doono laba Garab ee ay u kala qeybsan yihiin maamulka G/Banaadir.
3- Waxaan Qormo gaara ku eegi doonaa: Guddoomiyaha dhabta ah ee maamulka G/Banaadir iyo ninka qarsoon ee kala wada maamulka Dowladda Hoose ee Muqdisho, halkaasoo laga ogaan doono awoodda Guddoomiyaha xilka ku magacaaban.
4- Arrinta afraad ee Qormaooyinkan lagu soo bandhigi doono ayaa ah Guddoomiye Yariisow iyo Dhulka danta guud oo lagu soo bandhigi doono dhulalka uu bixiyey 100-ka maalmood ee uu xilka hayey, xiriirka kala dhaxeeya shirkad canshuuraha ka qaadi jirtay Guryaha Muqdisho oo dowladii Xasan Sheekh iyo Maamulkii Yuusuf Jimcaale heshiis la galeen.
5- Qormada ugu danbeysa waxaan ku soo gabagabeyn doonnaa ololihii ay Guddoomiye Yariisow ku qaadeen kaaliyeyaasha waaweyn ee Madaxtooyada, halka uu kasoo jeedo iyo halkii uu ku danbeeyay.
LA SOCO QORMOOYINKAASI INSHA ALLAAH