Saturday, April 19, 2025

DHAGEYSO: Faahfaahinta Duqeyntii Awdheegle oo la sheegay in Alshabab looga dilay 20 dagaalyahan

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar cirka iyo dhulka ah oo xalay saqdii dhexe ciidamo loo maleynayo inay Mareykan yihiin ku qaadeen Degmada Aw-dheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose oo saldhigyo ku leeyihiin Alshabaab.

Guddoomiyaha Aw-dheegle Maxamed Aweys Abuukar oo dibadjoog ka ah degmadiis ayaa sheegay in weerarkai ay qaadeen Ciidamo caddaan ah oo wata Ilaa Saddex diyaaradood, wuxuuna sheegay in weerarkaasi Alshabaab looga dilay in ka badan 20 dagaalyahan.

Guddoomiyaha Awdheegle ayaa intaas ku daray in Alshabab qasaare weyn ka soo gaaray weerarkaasi, ayna amar ku siiyeen dadka degaanka inaysan guryahooda kasoo bixi karin.

Ad

Ciidamada weerarka fuliyay ayaa loo maleynayaa inay Mareykan yihiin, balse weli ma jirto caddeyn kasoo baxday.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON