Wednesday, July 17, 2024

Faahfaahinta Weerarkii Alshabaab ee Daaru-Nimca iyo Wararkii ugu danbeeyay Qasaaraha..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar gaadmo ah oo saaka aroortii ay Alshabaab ku qaadeen degaanka Daaru-Nicma ee degmada Aadan Yabaal, Gobolka Sh/Dhexe.

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa la sheegay inay maleeshiyada Alshabaab dhowr jiho ka weerarreen Daaru Nicma, waxaana dagaal culus uu dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka.

Alsahbaab ayaa sheegatay inay la wareegtay degaanka Daaru-nicma, isla markaana ay ku dishay askar gaareysa 21, sidoo kaleba ay qabsadeen Maxaabiis, saanad iyo hub.

Ad

Sarakill ka tirsan ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay in weerarka Alsahbaab oo ahaa mid culus ay iska caabiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka, balse ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Talisyada ciidamada dowladda.

Qaraxyo miino ayaa la sheegay inay ka dhaceen wadadda xiriirisa degaanada Daaru Nicma iyo Alkowthar oo ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay ka difaacayaan Alshabaab.

Waa weerarkii saddexaad ee Alshabaab ku qaado degaanka Daaru Nicma oo ah degaan hore saldhig ugu ahayd madaxda Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON