Monday, April 15, 2024

Faahfaahinta Qasaaraha dagaalka Goof-Gaduud: Askar la dilay & Gaadiid la qabsaday

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal qaraar oo degaanka Goof Gaduud Shabeelow ee duleedka Baydhaba ku dhex maray ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Alshabaab.Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid culus oo labada dhinac qasaare ka soo gaaray, waxayn wararku sheegeen in askar gaareysa 5 lagu dilay qarax loo dhigay jidka xilli ay gurmad u ahaayeen Goofgaduud.

Alshbaab ayaa sheegtay inay qabsaday 2 ka mida Gaadiidka  dagaalka  nooca Cabdi Bilaha loo yaqaan oo ay saaran yihiin laba Qori oo Dhashiike ah, waxaana  Afhayeenka Alshabaab C/Casiis Abuu Muscab uu sheegay in ciidamadoodu ay dileen 17 askari.

Ad

Dagaalka ayaa qaatay muddo saacado ah, waxayna Alshabaab la wareegeen Degaankii lagu dagaalamay, iyadoo ciidamada Koonfur Galbeed ay rogaal celin isu diyaariyeen. Qasaaraha dagaalka ayaanay jirin cid xaqiijisay.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON