Saturday, April 20, 2024

Faahfaahinta Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho oo lagu beegsaday Shirkad Ganacsi

Qarax Miino ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu beegsaday xarun ay shirkadda Hormuud ku leedahay Baar Ubax ee Caasimadda.

Qaraxa ayaa burbur u geystay xarunta shirkadda Hormuud ee agagaarka Daalo, ee degmada Howlwadaag, waxaana Qaraxa uu aha Miino lagu aasay afaafka hore ee xarunta shirkadda, balse qaraxa ma geysan wax khasaaro nafeed ah.

Qaraxan lagu beegsaday shirkadda Hormuud ayaa imaanaya iyadoo shalay qarax kale lagu begsaday Box telephone ay leedahay shirkadda Hormuud oo ku yaalla tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.

Ad

Weerarrada beegsiga Shirkadda Hormuud iyo xarumaheeda ayaa u muuqda inay dib u soo labateen, kadib muddo ku dhow laba bilood oo ah hakad galeen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON