Fahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xerada Ex. Kuliyadii Jaalle Siyaad.
Qaraxa oo ayaa la sheegay inuu fuliyay qof isku soo xiray qof waxyaabaha qarxa, wuxuuna beegsaday ciidamo ka tirsan Guutada 14 Oktoobar oo markaas saf ku jiray xerada ciidamada oo ay ku jiraan ciidamada dowladda.
Waxaa lasoo weriyay inuu qasaare xoog leh oo dhimasho iyo dhaawac leh uu dhaliyay qaraxa is-miidaaminta ah, iyadoo wararku sheegayaan in Goobta laga qaaday askar iyo dad kale oo waxyeelo kasoo gaartay qaraxa.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay qaraxa ku dhinteen ilaa 20 askari, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay.
Alshabaab ayaa sheegatay qaraxa is-miidaaminta ah ee saaka, waxayna sheegeen in qof is-miidaamiye ah oo ka tirsan uu la beegsaday Saraakiisha iyo ciidamo saf ku jiray.
Ciidamada Amniga iyo xiray Goobta Qaraxu ka dhacay, waxaana bilowday gurmadka degdega ah, iyadoo weli aanay wax war ah kasoo bixin Taliska ciidamada dowladda iyo Hay’adaha Amniga.