Sunday, April 14, 2024

Faahfaahinta Qarax Caawa ka dhacay Muqdisho iyo Agaasimaha Hay’adda NISA oo..

Qaraxyo culus ayaa caawa laga maqlay magaalada Muqdisho, kuwaasoo dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Qarax xoog leh ayaa lala beegsaday Bar Koontarool oo ciidamada dowladda ay Amniga ku sugnaayeen degaanka Xoosh ee degmada Dharkeyley, waxaana wararku sheegayaan in qaraxa ay ku dhinteen 2 askari, halka warar kale sheegayaan in ilaa 4 askari lagu dilay qaraxaasi.

Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo qaraxa ka soo gaaray askar kale. Dhinaca kale rasaas ayaa isla caawa laga maqlay xaafadaha degmooyinka Wadajir iyo Dharkeyley oo wararka soo baxaya ay sheegayaan in dabley hubeysan ay khaarijiyeen askari ka tirsanaa ciidamad dowladda.

Ad

Falalkan amni darro ayaa imaanaya iyadoo uu caawa maqribtii Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Salaad uu socod ku maray qaar ka mida koontaroolada caasimada Muqdisho, isagoo sawirradiisa lagu baahiyay baraha bulshada, xilli la hadal hayo in xilka dhowaan laga qaadayo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON