Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ka qarxay degmada Luuq ee Gobolka Gedo, kaasoo u dhaxeeya laba beeleed oo degaanka ah.
Dagaalka ayaa dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana la soo weriyay inuu sababay Dab shalay qabsaday Suuqa magaalada Luuq, waxaana saaka degan xaaladda, inkastoo xiisad coladeed ay ka taagan tahay.
Dadka ku sugan magaalada ayaa sheegay inuu joogsaday isu socodkii magaalada, isla markaana ay xiran yihiin dhammaan goobihii Ganacsiga, waxaana qeybaha magaalada kala xiray maleeshiyooyin kasoo kala jeeda labada beelood ee dagaalamaya.
Ciidamadii maamulka iyo kuwa dowladda ayaa la sheegay inay ku kala biireen beelahooda oo dagaalka qeyb ka yihiin, waxaa la gubay guryo dhowr ah, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Gedo C/llaahi Shimbir.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in iska hor imaadyo cusub ay dib uga bilowdeen degmada Luuq, iyadoo magaalada laga maqlayo rasaasta dhaceysa. Dagaalka ayaa ka bilowday askari toogtay askari kale oo degmada ka baxsaday. waxaana dagaalka qeyb ka noqday Beel kale.
Beelaha dagaalamaya ayaa lagu kala sheegay Mareexaan, Macalin Weyne iyo Gabaaweyn, wuxuuna dagaalku saameeyay xaafadaha degmada Luuq, iyadoo garoonkii diyaaradaha uu ku xirmay fahatahaad saameysay.
Dadaallo ay wadaan Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Faderaalka ayaan weli lagu guuleysan iyadoo maamulka degmada uu meesha ka baxay.